Talaado, Luulyo 22, 2025 (HOL) – Wasiiru-dowlaha Madaxtooyada Puntland, Cabdifataax Cabdi Nuur Maxamed, ayaa ku eedeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya inay duullaan militari ku qaadday degmada Balad-Xaawo ee gobolka Gedo, oo hoos taga maamulka Jubbaland.