Sabti, September 6, 2025 (HOL) – Xildhibaanada Golaha Samata-bixinta Qaranka Soomaaliyeed ayaa si adag uga hadlay xaaladda sharciyeed iyo hannaanka shaqo ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka, iyagoo si cad u muujiyay dareenkooda ku aaddan baalmarinta Dastuurka iyo Xeer-hoosaadka Golaha Shacabka, taas oo ay ku eedeeyeen Guddoonka Golaha Shacabka.