Axad, November 23, 2025 (HOL) – Bulshada Soomaaliyeed ee ku nool gobolka Minnesota ayaa muujisay walaac xooggan kadib markii Madaxweyne Donald Trump ku dhawaaqay in uu joojinayo barnaamijka ogolaanshiyaha shariceed (Temporary Protected Status TPS) ee qaar kamida h dadka Soomaaliyeed ugu nool yihiin Maraykanka, isaga oo ku sababeeyay eedeymo ku saabsan musuq-maasuq ka dhacay gobolka.