Talaado, September 2, 2025 (HOL) – Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Gaashaanle Cabdifitaax Aadan Xasan, ayaa maanta shaaciyay in meel fagaare ah lagu gubay 250 kartoon oo daroogo ah, kuwaas oo lagu qabtay isku day sharci-darro ah oo lagu doonayay in dalka Soomaaliya lagu soo geliyo, Goobta lagu gubay daroogada ayaa ku taalla magaalada Muqdisho, iyadoo gubistu ay ku timid amar rasmi ah oo ka soo baxay Maxkamadda Gobolka Banaadir.