Khamiis, October 23, 2025 (HOL) – Ciidanka Daraawiishta Galmudug, gaar ahaan Ururka Galayr, ayaa xalay howlgal qorshaysan ka fuliyey deegaanada Ceel Lahelay iyo Dhaban-dhulkuheys ee gobolka Galgaduud, halkaas oo ay khasaare culus ku gaarsiiyeen kooxda Al-Shabaab.