Sabti, Agoosto 23, 2025 (HOL) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar qorsheysan oo aroornimadii hore ee saakay ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed ku qaadeen maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-shabaab oo ku sugnaa deegaanka Birta Dheer oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Garbahaarey ee gobolka Gedo.