Axad, November 23, 2025 (HOL) – Madaxweynihii hore Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa xalay kulan casho sharaf iyo is-xogwaraysi ah la qaatay tiro ka tirsan Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka, isaga oo la wadaagay aragti ku saabsan xaaladda guud ee dalka iyo mas’uuliyadda hortaalla madaxda qaranka.