Itoobiya iyo Howlgalka AFRICOM oo kawada hadlay xoojinta dagaalka Al shabaab iyo Daacish

Kulanka labada hoggaamiye waxaa ku wehliyay wasiirka gaashaandhiga Itoobiya Lemma Megersa, saraakiisha kale ee ciidamada Itoobiya iyo safiirka Mareykanka u fadhiya Addis Ababa.

Shirkaas ayaa lagu soo bandhigay arrimo muhiim ah oo ay ka mid tahay xoojinta xiriirka labada dhinac, taageerada Mareykanka ee horumarinta amniga Itoobiya iyo doorka ay Itoobiya ka qaadato xasilinta gobolka Geeska Afrika.

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya iyo General Langley waxay isla qaateen inay muhiim tahay in la iskaashi kala duwan loo yeesho xaaladaha amniga ee gobolka, gaar ahaan xaaladaha ka jirta dalalka Soomaaliya iyo Suudaan.

General Langley, oo sheegay inuu ku faraxsan yahay booqashada uu ku yimid Itoobiya, ayaa balan qaaday in Mareykanka uu sii wadi doono taageerada uu u fidinayo Itoobiya, gaar ahaan arrimaha amniga iyo horumarinta dhaqaalaha.

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, ayaa uga mahadceliyay dowladda Mareykanka taageerada ay u fidinayso Itoobiya iyo ka qaybqaadashada ay ku leedahay horumarka gobolka.

Kulanka labadan madaxweyne ayaa muujinaya xoojinta xiriirka labada dal iyo sida ay u wada shaqeeyaan arrimaha muhiimka ah ee gobolka.

Akhri Warbixinta Dhammeystiran (Read More)

Main Menu