Madasha samatabixinta Soomaaliyeed waxay sheegeen in heshiiska ay Madaxweynaha la gaareen sannadkii hore uu ahaa mid siyaasadeed oo aan lahayn wax natiijo ah, waxayna xuseen in shirkan uu yahay mid siyaasadeysan oo loo adeegsanayo xaaladaha adag ee dalka ka jirta.
“Sharci ahaan, madaxweynaha ma laha awooda ay dhinaca sharciga ah uga tashadaan arrimaha dowladnimo, waxaana arrinkan ku xukumaya Golaha Shacabka,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed.
Waxay sidoo kale sheegeen inay diyaar u yihiin inay la shaqeeyaan Madaxweynaha iyo Golaha Shacabka si loo helo heshiis dhab ah oo looga gudbo xaaladaha adag ee dalka ka jira.
Madaxweynaha Soomaaliya iyo golaha shacabka ayaa weli ka jawaabay warqada madasha samatabixinta, hase yeeshee, xaalada siyaasadeed ee dalka ayaa sii kacsanayaa iyadoo loo soo dhoweeyay go’aanka madasha samatabixinta.