Isniin, November 24, 2025 (HOL) – Maxkamadda Darajada Koowaad ee Gobolka Mudug ee Puntland ayaa maanta dil toogasho ah ku xukuntay Hodan Maxamuud Diiriye, oo lagu helay inay dishay marxuumad Saabiriin Saylaan, oo ahayd gabar 14 jir ah oo gurigeeda kula noolayd.