Sabti, November 1, 2025 (HOL) – Safiirka Soomaaliya ee dalka Yemen, Danjiire Cabdixakiin Maxamed Axmed, ayaa faahfaahin ka bixiyay dadaallada ay safaaraddu wado ee lagu taageerayo dib u soo celinta muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Yemen, Isagoo la hadlayay warbaahinta Qaranka, ayuu sheegay in safaaradda Soomaaliya ee Sanca ay door weyn ka qaadaneyso fududeynta soo laabashada qaxootiga Soomaaliyeed ee doonaya inay dalkooda ku noqdaan si nabad ah iyo si nidaamsan.