Talaado, Agoosto 12, 2025 (HOL) – Wadahadalladii u dhaxeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo madaxda mucaaradka ayaa habeenkii Isniinta burburay, ka dib markii ay ku guuldareysteen inay isku afgartaan arrimo muhiim ah, gaar ahaan hirgelinta nidaamka hal qof iyo hal cod.