Jimco, September 26, 2025 (HOL) – Madaxweynaha Mareykanka, Donald J. Trump, ayaa markale ku celiyey weerarro afka ah oo uu ku qaaday xildhibaanad Ilhaan Cumar, isagoo sheegay in uu kala hadlay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, suurtagalnimada in dib loogu soo celiyo Ilhaan Cumar dalkeedi Soomaaliya.