Isniin, September 1, 2025 (HOL) – Xildhibaan Ilhan Omar oo ka tirsan Aqalka Wakiillada ee Mareykanka ee lagasoo doorto gobolka Minnesota, ayaa ku baaqday in bulshada laga tirtiro hubka culus (assault weapons). Hadalkan ayay ku sheegtay wareysi ay siisay barnaamijka “State of the Union” ee CNN A, iyadoo ka hadlaysay weerarkii toogashada ahaa ee dhowaan ka dhacay Minnesota.