Khamiis, November 20, 2025 (HOL) – Warbixin ay soo saareen Ryan Thorpe iyo Christopher Rufo oo ah saxafiyiin wax baara, ayaa shaacisay in musuq-maasuqa ka jira barnaamijyada daryeelka bulshada ee gobolka Minnesota uu gaaray heer aad u sarreeya, iyadoo lacago malaayiin doolar ah oo laga xaday nidaamka Medicaid lagu sheegay in dib loogu diray Soomaaliya, halkaas oo qaar ka mid ah lacagtaasi lagu tuhunsan yahay inay ku dambeysay gacanta Al-Shabaab.