Wefti iskugu jira saraakiil iyo madax kale oo ka socda Maraykanka oo soo gaadhay Somaliland

Weftiga ayaa la filayaa in ay kulamo la yeelato Madaxda Dowladda Somaliland, oo ay kaga wada hadli doonaan arrimo muhiim u ah labada dhinac, sida xidhiidhka diblumaasiyadeed, amniga, horumarinta dhaqaalaha, iyo taageerada Maraykanka u fidiyay Somaliland.

Danjire Richard Riley ayaa sheegay in ujeedka socdaalkoodu yahay in ay xoojiyaan xidhiidhka Maraykanka iyo Somaliland, isaga oo tilmaamay in arrimaha ay kawada hadli doonaan ay yihiin kuwo muhiim u ah labada dal.

“Dowladda Maraykanka ayaa sii wadi doonta taageeradeeda Somaliland, gaar ahaan dib u heshiisiinta Soomaaliya, horumarinta dhaqaalaha, iyo xoojinta nabadgelyada,” ayuu yiri Danjire Riley.

Taliyaha Guud ee Ciidamada Maraykanka ee Qaaradda Afrika, Jeneraal Michael Langley, ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin in ay sii wadaan taageeradooda militari ee Somaliland, isaga oo tilmaamay in ay jirto doonista Maraykanka in uu xoojiyo amniga guud ee gobolka.

Weftiga Maraykanka ayaa soo gaaray xilli la sheegay in ay jirto xiisad ka dhex taagan Somaliland iyo Soomaaliya, halkaas oo Maraykanka uu doonayo in uu dhexdhexaadiyo. Kulanka weftiga Maraykanka iyo madaxda Somaliland ayaa la filayaa in uu noqon doono mid aad u muhiim ah.

Akhri Warbixinta Dhammeystiran (Read More)

Main Menu