Arbaco, Juun 25, 2025 (HOL) – Kadib weerarkii cusla ee Mareykanku ku qaaday xarumaha nukliyeerka Iran, doodaha iyo is khilaafaadka ka dhashay qiimeynta saameynta weerarka ayaa cirka isku shareeray, iyadoo Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, iyo saraakiil sare oo Maraykan ah ay si kala duwan u fasireen waxa dhacay.