Talaado, Luulyo 1, 2025 (HOL) – Warbixin cusub oo uu soo saaray Bangiga Adduunka ayaa muujinaysa in kobaca dhaqaalaha Soomaaliya la filayo inuu hoos u dhaco sanadkan 2025, sababo la xiriira hubanti la’aanta deeqaha dibadda ee dalku aadka ugu tiirsan yahay.