Talaado, Luulyo 1, 2025 (HOL) – Wararka ka imaanaya deegaanka Mabaax ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in ciidamada Macawiisleyda gobolka Hiiraan aroornimadii hore ee maanta howlgal qorsheysna oo lagu dilay xubno ka tirsan Al-shabaab ka fuliyeen duuleedka deegaanka Mabaax.