Jimco, Luulyo 18, 2025 (HOL) – Taliyaha guud ee Ciidamada Difaaca dalka Rwanda, Jenaraal Mubarakh Muganga, ayaa u soo gaaray magaalada Muqdisho si uu uga qaybgalayo Shirka 34-aad ee Golaha Siyaasadda ee Ciidamada Kaydka Bariga Afrika (EASF), kaasoo si rasmi ah uga furmay caasimadda Soomaaliya 17-ka Bishaan Luulyo, waxaana lagu wadaa inuu socdo ilaa 19-ka.