Isniin, Agoosto 18, 2025 (HOL) – Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa si adag u beeniyay eedeymaha sheegaya in shacabka lagu qasbay inay isdiiwaangeliyaan si ay uga qayb qaataan doorashooyinka deegaanka ee soo socda, isaga oo sheegay in habka isdiiwaangelintu uu ahaa mid si xor ah oo ay dadku si iskood ah ugu qayb qaateen.