Sabti, September 6, 2025 (HOL) – Ciidanka hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa howlgal si heer sare ah loo qorsheeyey ka fuliyey deegaanka Ceel-dhiiqo Weyne, oo ku yaalla inta u dhaxaysa deegaannada Ceel-lahelay iyo Ceel-garas ee gobolka Galguduud.