Arbaco, September 3, 2025 (HOL) – Austria ayaa markii ugu horreysay muddo ku dhow labaatan sano ah Soomaaliya dib ugu celisay laba qof oo Soomaali ah. Labadan nin ayaa Talaadadii lagu soo dejiyey caasimadda Muqdisho, sida uu sheegay wasaaradda arrimaha gudaha ee Austria. Wasaaradda ayaa intaa ku dartay in raggan lagu xukumay dambiyo kala duwan, oo ay ku jiraan kiisaska maandooriyaha.