Sabti, October 18, 2025 (HOL) – Soomaaliya ayaa si degdeg ah uga faa’iideysaneysa isbedelka suuqyada caalamiga ah ee xoolaha nool, iyadoo dhoofinta xoolaha ee dalka ay gaareyso heer taariikhi ah, taasoo la filayo in sanadkan 2025 ay dhaafsiiso $1 bilyan, sida lagu sheegay xog cusub oo ka soo baxday Wasaaradda Xanaanada Xoolaha.