Sabti, October 18, 2025 (HOL) – Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya, Yuusuf Maxamed, ayaa kulan gaar ah la qaatay Wasiirka Shaqada iyo Amniga Bulshada ee Jamhuuriyadda Turkiga, Prof. Dr. Vedat Işıkhan, iyadoo uu kulanku ka dhacay magaalada Doha ee dalka Qatar.