Isniin, October 27, 2025 (HOL) – Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta Dowladda Imaaraadka Carabta ka guddoomay laba gaari oo dab-damis ah oo casri ah, kuwaas oo lagu xoojinayo adeegyada gurmadka degdegga ah ee caasimadda.