Axad, November 2, 2025 (HOL) – Puntland ayaa maanta magaalada Garowe geysay in ka badan 300 askari oo booliis ah, kuwaas oo loogu talagalay inay la wareegaan sugidda amniga caasimadda Puntland, xilli ay sanadihii u dambeeyay ay Garowe kusoo badanayeen falalka lidka ku ah amniga shacabka.