Axad, November 2, 2025 (HOL) – Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Maamulka Jubbaland ayaa maanta ku dhawaaqday xukunka kiis uu eedeysane ka ahaa Cabdiqaadir Maxamuud Xasan, oo ka tirsanaa hay’adda Nabadsugidda Jubbaland (NISA), kaas oo lagu eedeeyay in uu dil u geystay Aadan Maxamed Madey.