Khamiis, November 6, 2025 (HOL) – Mas’uuliyiin reer Britain ah ayaa maanta oo Khamiis ah xaqiijiyay in koox burcad badeed ah ay weerar ku qaadeen markab ganacsi oo marayay meel u dhow biyaha Soomaaliya, taasoo loo maleynayo inay tahay weerarkii ugu dambeeyay ee ay fuliyaan burcad-badeedda Soomaaliyeed ee mar kale kusoo laabanaya xeebaha gobolka.