Arbaco, November 5, 2025 (HOL) – Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa markii ugu horeysay ka hadlay warar maalmihii lasoo dhaafay soo baxayay oo la xiriira in diyaarado ka duuleen garoonka Boosaaso, islamarkaana ku dageen dalka Suudaan.