Arbaco, November 5, 2025 (HOL) – Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macalin Fiqi, ayaa shaaca ka qaaday in sannadkii ugu dambeeyay dagaalka lagula jiro Al-Shabaab iyo Daacish lagu dilay in ka badan 800 oo dagaalame, oo ay ku jiraan 50 horjoogayaal ah.