Talaado, November 25, 2025 (HOL) – Warbixin cusub oo uu daabacay Machadka Daraasaadka Ammaanka Qaranka ee Israa’iil (INSS) ayaa lagu sheegay in Somaliland ay leedahay muhiimad istiraatiji ah oo sare usii kacaysa, isla markaana Israa’iil ay ka faa’iidaysan karto xasilloonida iyo goobta juqraafiyeed ee ay ku taallo, balse aanay habboonayn in ay kaligeed si degdeg ah u aqoonsato.