Axad, November 23, 2025 (HOL) – Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa shir gaar ah guddoomiyay kaas oo si qoto dheer loogu falanqeeyay xaaladda abaareed ee dalka ka taagan iyo saameynta sii kordheysa ee ka dhalatay roobabkii daahay iyo hoos u dhaca ku yimid gargaaradii bani’aadantinimo ee dalka soo gaari jiray.