Sabti, November 22, 2025 (HOL) – Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaaciyay inuu heshiis is-afgarad ah (MoU) la galay Hay’adda Isla-xisaabtanka ee dalka Masar, kaddib kulan gaar ah oo ay ku yeesheen magaalada Sharm El-Sheikh, halkaas oo uu ka socday Shirka 23-aad ee Caalamiga ah ee Hay’adaha Hantidhowrka Sare.