Sabti, November 22, 2025 (HOL) – Mudanayaasha labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii lixaad ee kalfadhiga 7-aad, kaas oo ka dhacay xarunta Golaha Shacabka ee Muqdisho, iyagoo u codeeyay xisaabxirka miisaaniyaddii sanadka 2024 oo ay soo gudbisay Wasaaradda Maaliyadda.