Sabti, November 22, 2025 (HOL) – Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ayaa si kulul u cambaaraysay dhacdooyin ay sheegeen inay iskugu jiraan boob, barakicin iyo xadgudubyo kale ee ka socda qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho, gaar ahaan degmada Yaaqshiid, iyagoo si gaar ah uga tacsiyadeeyay geerida Cabdullaahi Cabdi Raage oo ahaa wiil dhalinyaro ah oo lagu dilay xaafadda Buulo-Geesaale.