Isniin, Luulyo 21, 2025 (HOL) – Ciidamada difaaca Kenya ayaa xaqiijiyay in saddex askari oo ka tirsan KDF lagu dilay, tiro kalena lagu dhaawacay, kadib markii kolonyadoodii ay la kulmeen qarax miino oo ka dhacay waddada istaraatiijiga ah ee Sankuri-Kiunga ee gobolka Lamu.