Jimco, Luulyo 25, 2025 (HOL) – Tirada kiisaska shan cudur oo faafa ah ayaa laban laab ka noqday gudaha Soomaaliya tan iyo bartamihii Abriil, kadib markii hoos u dhac ku yimid gargaarka bani’aadannimo uu sababay in boqolaal xarumo caafimaad ah la xiro. Sida ay sheegtay hay’adda Save the Children, xaaladdan ayaa si gaar ah u saameysay carruurta ka yar shan sano jir oo hadda ah ku dhowaad 60% dadka uu cudurku haleelay.