Arbaco, September 17, 2025 (HOL) – Golaha Dhaqanka iyo Guurtida gobollada Sanaag iyo Haylaan ayaa warqad ay u direen madaxda Puntland ku dalbaday in si degdeg ah looga jawaabo dilka caaqil Cumar C/Laahi Cabdi Ibraahim oo 13-kii Sebtembar lagu dilay duqeyn cirka ah oo lala beegsaday gaari uu la socday xilli uu ka yimid Ceelbuuh kuna sii jeeday Badhan.