Jimco, Luulyo 18, 2025 (HOL) – Xiisadda ka aloosan waqooyiga Itoobiya ayaa mar kale cirka isku shareertay, wax ka yar saddex sano kaddib heshiiskii nabadeed ee Pretoria lagu gaadhay dhammaadkii dagaalkii labada sano socday ee Tigray. Warbixin cusub oo ay daabacday DW ayaa shaaca ka qaaday in ciidamada Eriteriya ay si qarsoodi ah u taageerayaan kooxo hubeysan oo Itoobiya gudaheeda ka dagaalamaya, taasoo cabsi gelisay dadka deegaanka oo ka baqaya in dagaal hor leh uu qarxo.