Heshiiska oo loo arkay mid lagu jaan goynayo horumarinta kalluumeysiga iyo kor u qaadista tayada kheyraadka badda Soomaaliya, ayaa sidoo kale lagu sheegay in uu kobcin doono dhaqaalaha guud ee dalka.
Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluuga ah Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdi Yuusuf, ayaa ka warbixiyey muhiimadda heshiiska, isaga oo sheegay in “heshiiskan yahay tallaabo muhiim ah oo lagu horumariyo kalluumeysiga dalka, iyadoo lagu danaynayo tayada iyo qiimaha kheyraadka badda ee dalka”.
Shirkadda OYAK ee Turkiga, oo ah mid ka mid ah shirkadaha ugu weyn caalamka, ayaa sidoo kale sheegtay in ay diyaar u tahay in ay taageerto Soomaaliya, isla markaana ay ku faraxsan tahay in ay ka qayb qaadan karto kobcinta dhaqaalaha iyo horumarinta kalluumeysiga Soomaaliya.
“Dalka Turkiga waxa uu leeyahay khibrad dheer oo kalluumeysi ah, waxaana rajaynaynaa in ay noo soo bandhigi doonaan fursadaha ay leeyihiin,” ayuu yiri Wasiirka Kalluumeysiga.
Heshiiska ayaa la filayaa in uu saameyn weyn ku yeesho koboc dhaqaalaha Soomaaliya, gaar ahaan sektarka kalluumeysiga, kaas oo ay horey ugu jirto dhibaatooyin badan oo ay ugu horeyso baahida loo qabo horumar iyo maalgelin.