Isniin, Agoosto 11, 2025 (HOL) – Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumada Fedaraalka Soomaaliya ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixisay khasaaraha ka dhashay dagaal aroornimadii hore ee saakay ka dhacay duuleedka magaalada Baladxaawo ee gobolka Gedo, kaasoo dhexmaray ciidanka dowlada Federaalka iyo kuwa maamulka Jubbaland.