Jimco, Luulyo 25, 2025 (HOL) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag uga hadashay dagaalkii maanta ka dhacay magaalada Baladxaawo ee gobolka Gedo ee dhexmaray ciidamada dowlada iyo kuwa maamulka Jubbaland, kaasoo sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac kala gaaray labada dhinac iyo dad shacab ah.