Talaado, September 16, 2025 (HOL) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wajahaysa caqabado dhaqaale oo ku aaddan qorshaheeda ay ku doonayso in ay ku soo saarto lacag cusub oo Shilin Soomaali ah, taas oo ay sheegtay in ay lama huraan u tahay xasilloonida dhaqaalaha dalka.