Talaado, Luulyo 22, 2025 (HOL) – Dagaal culus ayaa ka qarxay degmada Balad-Xaawo ee gobolka Gedo ee Soomaaliya, kaddib markii dowladda federaalku ay halkaas geysay Cabdiraashiid Janan oo dhowaan ay Dowladda u magacawday taliyaha cusub ee hay’adda sirdoonka iyo nabad sugidda qaranka (NISA) ee gobolkaas.