Arbaco, October 22, 2025 (HOL) – Shirkii beelaha wada dega gobolka Sanaag uga socday magaalada Ceerigaabo ayaa laga soo saaray qodobo ay ugu muhiimsan yihiin in nabad lagu wada noolaado, amniga gobolka looga dambeeyo xukuumadda Somaliland, iyo in xukuumaddu ay mashaariic horumarineed ka fuliso gobolka.