Arbaco, October 22, 2025 (HOL) – Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi, ayaa kulan muhiim ah la yeeshay dhiggiisa dalka Ciraaq, Sareeye Guuto Saad Khalaf Badr, iyagoo kawada hadlay iskaashiga dhanka amniga, tababarrada ciidamada, is-weydaarsiga aqoonta, iyo la dagaallanka argagixisada.