Isniin, November 24, 2025 (HOL) – Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya, Cabdi Xaashi Cabdullaahi, oo ay wehliyeen labada Guddoomiye Ku-xigeen, ayaa shir guddoomiyay kulanka 9-aad ee Kalfadhiga 7-aad, kaasoo ajandihiisu ahaa Akhrinta saddexaad ee Hindise-sharciyeedka dad-dhigista iyo tirokoobka xaaladaha madaniga ah.