Arbaco, Luulyo 9, 2025 (HOL) – Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, kaas oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, Kulanka ayaa lagu ansixiyey Guddiga Tacliinta Sare ee Qaranka, ka dib markii ay soo jeedisay Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare.