Axad, September 14, 2025 (HOL) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa maanta magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Safiirka Dowladda Mareykanka ee Soomaaliya, Ambassador Richard H. Riley, oo ay wehliyeen Kuxigeenkiisa Justin Davis iyo Matthew Younger, oo ah Madaxa Siyaasadda ee Safaaradda Mareykanka.